Soo Dhawow
Maine Equal Justice Partners (MEJP) Waxay u shaqeeyaan oo ku dadaalaan inay caawiyaan oo
ka hor tagaan dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Maine.
Siyaabahana ayay u fuliyaan howlahaas:
- U doodista sharciyada ama qawaaniniinta mujtamaca
- Ucodaynta mujtamaca xagga arrimaha daryeelka bulshadda
- Daryeelka, tababaridda, iyo wax ukordhinta mujtamaca danta yar, si ay uga baxaan
marxaladaha dhaqaalo xumada keena
MEJP Waxay ku dadaalaan arrimaha umaddu ay la kulanto had iyo goor –daryeelka caafimaadka,
raashinka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo tababarka.
MEJP Caawitaanku waa mid u bilaash ah dadka danyarta ah, qofkastoo caawitaan ubaahana
had iyo jeer ma wada caawin karno sababtoo ah shaqaale kooban ayuu barnaamijku leeyahay:
- TANF
- Waxbarashada Waalidiinta
- ASPIRE
- MaineCare
- Caawitaanka Raashinka
Haddii aad wax su’aala ka qabtid barnaamijyadayada, fadlan nagala soo xidhiidh lambarkan
bilaashka ah:1-866-626-7059.
Haddii aanad ku hadlin Af Ingriisi, waanu ku caawin karnaa. Turjubaan baanu telefoonka
kaala xidhiidhin karnaa. Haddii ay fariini kaa qabato telefoonka , luqadaada ayaad fariin
noogu reebi kartaa. Anagaa kugu soo war celin doonna iyadoo turjubaan khadka noogu jiro.
Haddii aad wax caawitaan ah oo ku saabsan arrimahan ubaahato, lasoo xidhiidh
Pine Tree Legal Assistance si aad u hubsatid inaanu ku caawin karno.
- Guryaha
- Cashuurta wixii ku saabsan
- Arrimaha qoyska
- Daryeelka Caafimaadka
- Tacliinta
- Shaqada
Pine Tree waxa laga yaabaa inay kaa caawiyaan barnaamijyada mujtamaca caawiya sida TANF,
ASPIRE, SSI, Raashinka , ama MaineCare.
Lasoo xidhiidh hadii aad macluumaad ubaanan tahay
Pine Tree Legal Assistance
Waxaad u baahantahay inaad ka ogaato adeegyada arrimaha bulshada
FOOD STAMPKA QAXOOTIGA SHARCIGA LEH LOOGU TALA GALAY.
MAINE CARE-KA LOOGU TALO GALAY DADKA MUHAAJIRIINTA AMA
DAKHLIGA KABIDDA MUJTAMACA (SSI), MUCAAWINADA GUUD ( GENERAL ASSISTANCE ) GA
TANAFKA QOXOTIGA SHARCIGA HAYSTA
|